Habab kala duwan oo suuqa madow ah ayaa lagu kireeyaa guryaha Dalka Sweden taasi oo dowlada aysan raali ka aheyn.
Sida dowlada shaacisay waxaa jira hab cusub oo dowlada kaga hortageyso guryaha suuqa madow lagu kireenayo waxaana durba dowlada magacaabeysa baare loo xilsaaray arintan.
Dowlada ayaa dooneysa inay sameyso diiwaangalin guryaha la kireeyo si loo ogaado kuwa ku nool gurgasi iyo tilaabooyin kale oo dheer ah.
Maanta, ilaa 157 000 oo guri ayaa waxaa degan dad aan ka diiwaan gashaneyn halkaas, taasoo u dhiganta ku dhawaad ​​10% guryaha la kireeyo
Dowlada ayaa horay u soo saartay sharciyo kala duwan kuwaasi oo ah kuwa looga hortagayo guryaha sida sharci darada loo kireeyo.
Wararka kale ee Maanta
AD