Home Wararka Maanta Giriiga oo ku baaqay in cunaqabateyn midowga yurub lagu soo rogo Turkiga

Giriiga oo ku baaqay in cunaqabateyn midowga yurub lagu soo rogo Turkiga

0

“Waxaan si xiiso leh u sugayaa ku dhawaaqista Josep Borrell ee ku saabsan cunaqabateyn la saaro Turkiga,” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada ee Giriigga Nikos Dendias.

Jimcihii Giriiga ayaa ku baaqay in cunaqabateyn midowga yurub lagu soo rogo Turkiga iyada oo loo aaneynayo xiisada ka taagan bariga Mediterranean.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Griiga Nikos Dendias ayaa uga waramay madaxa siyaasada arimaha dibada EU-da ka hor kulan aan rasmi ahayn ee wasiirada arimaha dibada ee ka dhacaya magaalada Berlin.

“Waxaan u aragnaa tani inay tahay baahi lama huraan ah si aan xal u gaadhno xasilooni-darrada badda Mediterranean-ka,” ayuu yiri.

Si kastaba ha noqotee, Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka walaacsan yahay in cunaqabateyn lagu soo rogo Turkiga ay wiiqeyso dadaallada lagu doonayo in isfaham lagu gaaro Ankara.

Dowlado badan oo ka tirsan Midowga Yurub waxay umuuqdaan inay aaminsan yihiin in cadaadiska la saarayo Turkiga ay kaliya adkeyn doonto mowqifkeeda, ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Kathimerini.

Somaliska Athens

Xigasho/ANF

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here