Home Wararka Caalamka Sweden oo Sharci Cusub kasoo saartay Qaxootiga Suuriya ee Dalka iska dhiibaya

Sweden oo Sharci Cusub kasoo saartay Qaxootiga Suuriya ee Dalka iska dhiibaya

0

Warbixin lasoo dhigay Boga Migrationsverket ayaa lagu shaaciyay Sharciyo Cusub oo Dowlada Sweden kasoo saartay Xaalada Qaxootiga Suuriya kuwaasi oo lamid ah kuwa Dowlada ay horay uga gaartay Dalka Somaliya oo dagaalo ka socdeen.

Sharciyada Cusub ayaa dhigaya in Qaxootiga Cusub ee ka imaanaya Dalka Suuriya dacwadooda lagu eegayo Gobolka ay ka yimaadaan madama Gobolada Suuriya qaarkood ay nabad yihiin.

Sharciga Cusub ma qabanayo Qaxootiga horay isku dhiibay ee wadanka ka dalbaday Daganaansho xataa kuwa aanan wali sharciga helin.

Fredrik Beijer, oo ah agaasimaha arrimaha sharciga ee hey’adda socdaalka ayaa yiri: “Inkasta oo aan aragno in xoogaa hoos u dhaceen dagaalada ka jira gobolada qaar, hadana dad badan oo reer Siiriya ah ayaa lagu siiyaa magangalyo Sweden sabab la’aanta.

Laga bilaabo sanadkii 2012 Qaxootiga Suuriya ayaa noqday kuwa ugu badan ee Dalka iska dhiiba waxaana ilaa waqtigaas la diiwaangaliyay 115,000 kun oo Qaxooti ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here