Home News in English Giriiga oo Dalkiisa ka Ceyriyay 12 Dublamaasi oo u dhashay Dalka Ruushka

Giriiga oo Dalkiisa ka Ceyriyay 12 Dublamaasi oo u dhashay Dalka Ruushka

0

Giriiga ayaa go’aansaday inuu eryo laba iyo toban diblumaasiyiin Ruush ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Giriiga.

Go’aankan ayaa Arbacadii lagu shaaciyay website-ka wasaaradda . Masaafurintan ayaa timid ka dib dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine.

Diblomaasiyiinta Ruushka ayaa loo sheegay arintan waxaana lagu wargeliyay safiirka Ruushka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters . Sida ay sheegtay wasaaraddu, dublamaasiyiinta ayaan u dhaqmin si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

In ka badan 200 oo diblomaasiyiin Ruush ah ayaa laga soo tarxiilay dalal badan oo Yurub ah maalmihii la soo dhaafay, sida Sweden iyo Denmark. Norway, dowladda ayaa ka baaraan degeysa in sidaas oo kale laga sameeyo balse wali go’aan lagama gaarin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here