Home Wararka Caalamka Germalka” Xili adag oo Qaxootiga la diiday ayay ogolaatay iyadoo isticmaaleysa Erayga...

Germalka” Xili adag oo Qaxootiga la diiday ayay ogolaatay iyadoo isticmaaleysa Erayga “Waan sameyn karnaa!”

0

mudo shan sano ayaa laga joogaa markii Qaxootiga ugu badnaa ay soo galeen Qaarada yurub iyago kasoo talaabay Xadka Gariiga iyo Turkiga u dhaxeeya waxana Qaxootigaasi badankooda iska dhiibeen Germalka iyo Sweden wado ay kamid yihiin.

Qaxootiga waxaa ugu badnaa kuwa kasoo jeedaa Wadanka Suuriya oo milyan kor u dhaafay xiligaasi wadamada Yurub badankooda way iska fasaxeen Qaxootiga iyadoo u furay wadooyinka lakin wadanka Germalka waxa uu ahaa wadamada soo dhaweeyay Qaxootigaasi sanadkii 2015.

go’anka Qaxootiga loogu soo dhaweeyay Germalka waxaa lahaa Raisul wasaaraha Germalka Haweeneyda lagu magacaabo Angela Merkel waxayna xiligaasi isticmaashay erayga caanka ka noqday wadanka ee “Waan sameyn karnaa!” “Wir können es schaffen!”

Xisbiyada ka dhisan wadanka iyo Shacabka badankooda waxay kasoo horjeesteen talaabada ay qaaday Merkel xiligaasi lakin maanta oo kasoo wareegatay 5 sano xisbiyada badankooda waxay isku raaceen in uu ahaa go’an sax ah.

Germalka waa wadanka kaliya ee aadka loogu soo dhaweeyay Qaxootiga kasoo cararay wadamada ay ka jiraan colaadaha gaar ahaan wadanka Suuriya waxana uu Qaxooti kasoo qaaday wadanka lubnaan sanadkii 2013.

Qaxootiga ku sugan Wadanka Germalka waxay xaq u leeyihiin Xaquuq lamid ah mida qofka heesta sharcigan sida in uu shaqeesto lakin wadamada kale qofka ma shaqeysan karo.

somaliska Berlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here