Home Wararka Caalamka Germalka Shaqaalo Ajanabi ah oo looga Baahanyahay Wadanka

Germalka Shaqaalo Ajanabi ah oo looga Baahanyahay Wadanka

0

Xisbiga ugu yar ee dawladda cusub ee isbahaysiga Jarmalku wuxuu taageersan yahay kordhinta shaqaalaha soogalootiga ah ee dalka si ay u buuxiyaan hoos u dhaca suuqa shaqada, isagoo xusay in tirada ku baahsan tahay baahida sanadlaha ah ee Jarmalka ee 400,000 oo shaqaale ah ay tahay mid dhab ah oo xaq ah.

Hogaamiyaha cusub ee kooxda baarlamaanka ee xisbiga Dimuqraadiga Xorta ah, Christian Doer, ayaa ku sheegay bayaan uu siiyay wakaaladda wararka ee Jarmalka (dpa), in kordhinta shaqaalaha soogalootiga ee dalka si loo xakameeyo hoos u dhaca suuqa shaqada ay lagama maarmaan tahay in la daboolo baahida shaqada iyo in la gaaro kobac dhaqaale, iyo in la sugo nidaamyada daryeelka bulshada.

Dawladda cusub ee Jarmalku waxa ay ka kooban tahay xisbiga Sooshal dimuqraadiga, xisbiga cagaaran, iyo xisbiga dimuqraadiga xorta ah.

Dor wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Jarmalku uu u dhaqmo sidii waddan casri ah oo soo jiidanaya soogalootiga, iyo maaraynta socdaalka, waa in uu raaco tusaalaha wadamada sida Kanada, New Zealand ama Australia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here