Home Wararka Maanta Germalka oo Sharci ka dhigaya in Qofka uu Eygiisa Socodsiiyo maalintii labo...

Germalka oo Sharci ka dhigaya in Qofka uu Eygiisa Socodsiiyo maalintii labo jeer

0

Dowlada Germalka ayaa Sharci ka dhigeysa in Maalinti labo mar banaanka loo saaro Eyga si loo ilaaliyo Xaquuqda ay leeyihiin eeyaha ku nool Dalkaasi Hindisaha cusub ee Dowlada wado ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jiraan dad badan oo leh eeyo kuwaasi oo ku heesta guriga isla markana banaanka aan u saarin.

Sida ay ku warameyso wasiirada dhaqanka Dalka Germlka in maalinta labo mar ayga Banaanka lagu soo socodsiiyo ayaa ka dhigan wadajir saacad maalin kasta.

Julia Klöckner ayaa intaasi ku dartay in Sharcigan hadii uu dhaqangalo uu xaquuq badan siinayo eeyaha ku noolka Germalka oo lagu qayaaso Hal milyan.

Ururada ka dhisan Germalka ee ku mideysan Eeyaha ayaa dhankooda kasoo horjeestay hindisaha iyagoo ku tilmaamay mid adag oo saameen leh.

PHOTO: MARTIN MEISSNER / AP / TT

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here