Home Wararka Caalamka Germalka oo lagu soo dhaweeyay Qaxootigii ugu horeeyay ee ka yimaada Xerada...

Germalka oo lagu soo dhaweeyay Qaxootigii ugu horeeyay ee ka yimaada Xerada Maria ee Dalka Giriiga

0

Koox carruur ah oo ay haysato dhibaatooyin caafimaad oo daran iyo qoysaskooda ugu dhow ayaa yimid Jarmalka. Waxay ahayd duulimaadkii ugu horreeyay ee dib udejin kadib markii xerada qaxootiga ee gubtay horaantii bishaan.

Kooxdii ugu horeysay ee qaxooti ah oo ka timid xeradii  Moria ayaa Arbacadii maanta soo gaadhay Jarmalka iyagoo ka yimid Griiga.

Koox ka kooban 139 qof – carruurta aan lala socon, carruurta la ildaran dhibaatooyin caafimaad oo daran iyo qoysaskooda – ayaa yimid Hannover, waqooyiga Jarmalka.

Ugu yaraan 51 ka mid ah kooxda ayaa ka yimid xerada caanka ah ee Moria, iyadoo kuwa kale ay ka yimaadeen xeryo jasiirado gaar ah.

Wasiirka socdaalka Giriigga Giorgos Koumoutsakos ayaa sheegay inay tahay duulimaadkii ugu horreeyay ee dib udejin kadib markii horaantii bishaan ay gubatay xerada ugu weyn ee qaxootiga.

Dowlada Jarmalka ayaa ogolaatay in ay qaadato ilaa 150 caruur ah kadib markii uu burburay kaamkii ay ku jireen taasiWaxay ku timid qayb ka mid ah ballanqaadkii Yurub ee ahayd in la qaado 400 oo carruur ah.

Intaas waxaa sii dheer, 17 carruur ah oo xanuunsan iyo qoysaskooda waxaa la keenay iyadoo loo marayo ballanqaad ka hor dabkii Moria si loo qaado 243 carruur ah oo u baahan daaweyn,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa sidaas sheegtay. Sannadkan 2020, wadar ahaan 713 qof, oo ay ku jiraan 104 carruur aan waalidkood la socon iyo 142 carruur ah oo qaba dhibaatooyin caafimaad, ayaa laga soo duuliyay Griiga oo loo qaaday Jarmalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Somaliska Berlin

Xigasho/DW

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here