Home Wararka Maanta Germalka oo ka hadlay Xayiraada Saaran Dalka iyo Waqtiga la qaadayo xayiraadaasi

Germalka oo ka hadlay Xayiraada Saaran Dalka iyo Waqtiga la qaadayo xayiraadaasi

0

Dowlada Germalka ayaa ka hadashey Xayiraada saaran wadanka xili la galay waqtiga Fasaxa ee Ciida waxaana arintaasi ka hadashay Raisal wasaaraha Germalka Angela Merkel.

Angela Merkel ayaa Shacabka Germalka u sheegtay in wadanka uu xirnaanayo mudada afarta cisho ee Ciida  iyadoo intaasi ku dartay in xayiraada Germalka aysan lamid aheen sida Dalalka France iyo Italy oo la saaray xayiraad culus.

Mar ay ka hadashey mudada uu wadanka sii xayirnaanayo ayay sheegtay in qeyb qeyb loo furayo hadii Xaalada wadanka soo hagaagto.

Dadweynaha Germalka ayay ugu baaqday in ay ilaaliyaan Sharciyada Dowlada sida Waxa loo yaqaano (Socail distance) oo ah inta dadka isku jirsan karaan.

Fasaxa kadib ayaa la filayaa in Gudoomiyaasha Gobolada Dalka iyo Wasiirka Caafimaadka Dowlada Jens Spahn ay ka doodaan sida loo qaadi karo xayiraada saaran Dalka.

Ugu danbeen ku dhawaan 113,000 qof ayuu ku dhacay Xanuunka Coronavirus gudaha Germalka halka dhimashada ay mareyso 2,349 qof.

Somaliska Germalka

Waxaa turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here