Home Wararka Caalamka Germalka oo Fududeenaya Dhalashada Dalka Akhriso Sharciyada Cusub ee Xisbiyada Heshiiyay

Germalka oo Fududeenaya Dhalashada Dalka Akhriso Sharciyada Cusub ee Xisbiyada Heshiiyay

0

Dowladda wadaagga ah ee Jarmalka laga dhisayo ayaa qorsheynaya inay fududeeyaan qaadashada dhalashada dalkan, iyadoo isbeddel lagu sameynayo xeerka qaadashada jinsiyadda.

Waxyaabaha isbeddelaya waxaa ka mid ah:

â—‹ Muddada qaadashada Baasaboorka waxaa laga dhimayaa saddex sano oo waxaa laga dhigayaa 5 sano.

â—‹ Qofka 3 sano ayuu ku qaadan karaa haddii uu B1 ka sare luqadda ka keensado iyo isdhexgalka.

â—‹ Qofka waxaa loo oggolaan doonaa laba dhalasho oo sharciga ayaa la beddelayaa.

â—‹Shuruudda heerka luqadda waa la dhimayaa, si gaar ah dadka Turkida iyo waddamada kale ee ka soo jeeda jiilkii shaqaalaha martida. (Waa waddamadii shaqaalaha ay ka soo waateen intii u dhaxeysay 1950-1970).

â—‹Marka aad gaarto xilliga aad qaadan lahayd dhalashada waa lagu soo ogeysiinayaa.

â—‹ Sidoo kale, xaflado lagu maamuusayo dadka dhalashada qaato ayaa la dhiirragelinayaa.

Jarmalka markaa fiirisid sharciga bixinta dhalashada waa mid gaboobay oo waxaan hadda la beddelayo dalal badan oo Yurub iyo dunida kale ah way ka jiraan.

Xigasho Boga Somalida Germalka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here