Home Wararka Maanta Försäkringskassan:- Waxaad Dalban kartaa Lacagta kaalmada dhaqaale hadii aadan guriga ku shaqeyn...

Försäkringskassan:- Waxaad Dalban kartaa Lacagta kaalmada dhaqaale hadii aadan guriga ku shaqeyn karin

0

Qaar kamid ah Dadka qaba Xanuunada halista waxay hadda dalban karaan magdhow ku aadan shaqooyinka ku seegay Corona dartii Codsiga ayaa furmay subaxnimada maanta- waxaana ay Hay’adda ceymiska bulshada ay rajeyneysaa dadkaasi qaba xanuunada halista ee aan tagi karin goobaha shaqada helaan lacagtooda magdhowda.

Dadkan ka tirsan kooxaha halista una nugul covid-19′ in lagu qaadsiiyo shaqada waxay xaq u leeyihiin magdhaw, oo ay dawladdu go’aamisay dhammaadkii Juun. Hayadda ceymiska bulshada ayaa hadda furaysa suurtagalnimada dalbashada magdhow.

– Waxaad ku dalbaneysaa adeeggayaga isu shaqeynta iyo caddeyn caafimaad oo caddeynaysa inaad ka mid tahay kooxaha halista ku qeexan, ayuu yiri Ola Kristiansson, maamulaha aagga ganacsiga ee Hay’adda Caymiska Bulshada.

Waxay qaadan kartaa 30 maalmood

Waad dalban kartaa magdhaw muddada 1da Luulyo ilaa 30 Sebtember. Ugu badnaan, waxaad heli kartaa 804 karoon maalintii, cashuurta ka hor, ugu badnaan 90 maalmood. Celcelis ahaan, waxay qaadan doontaa 30 maalmood in lacagta la bixiyo, ayuu yidhi Ola Kristiansson.

– Waxaan awood u leenahay inaan go’aansanno oo aan si toos ah u bixinno. Laakiin sida had iyo jeer, waxaan yeelan doonnaa kala duwanaansho waqtiyada go’aan qaadashada, marka waxaan xisaabineynaa celcelis ahaan 30 maalmood. Markii aan helno xog dhameystiran oo aan helno, si dhakhso leh ayuu u dhacayaa go’anka, ayuu yidhi.

FOTO: CHRISTINE OLSSSON/TT

Magdhowgu wuxuu quseeyaa shaqaalaha ama dadka iskood u shaqaysta ee aan fursad u helin inay ku shaqeeyaan guriga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here