Home Wararka Maanta Folkhälsomyndigheten ” Haweenka uurka leh ha muujiyaan Taxadar dheeraad ah Convid-19”

Folkhälsomyndigheten ” Haweenka uurka leh ha muujiyaan Taxadar dheeraad ah Convid-19”

0
Foto: Johanna Sjöqvist Harland/Sveriges Radio

Haweenka uurka leh waa inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si uusan ugu dhicin cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka bulshada.

“Waxaan sii eegnay dumarka uurka leh waxaana jira haliso xad dhaaf ah oo ku imaan karta,” ayuu yiri Anders Tegnell oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada faafa ee gobolka oo shir jaraa’id qabtay maanta

Haddii haweenka uurka leh ay awoodi doonaan in laga tallaalo covid-19, Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha kama jawaabi karto xilligan: “Ma jiro wax xog ah oo badbaado u leh in la tallaalo haweenka uurka leh,” ayuu yiri Anders Tegnell.

Dowlada Sweden ayaa horay u soo saartay Halista dadka qaarkood ee loo yaqaano Kooxda halista ugu jirto Xanuunka waxana lagu daray dadka uurka leh.

Dadkaasi ayaana xaquuq dheeraad ah leh marka ay timaado xaalada Corona ee wadanka ku jiro iyadoo dhoor jeer la kordhiyay sharciyo si gooni ah loogu soo saaray.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here