Home Wararka Caalamka Finland oo Sheegtay in Ruushka uu ka Danbeeyo Gubitaanka Quraanka

Finland oo Sheegtay in Ruushka uu ka Danbeeyo Gubitaanka Quraanka

0
Foto: Virginia Mayo / AP

Wasiirka arrimaha dibadda ee Finland Pekka Haavisto ayaa ka dhawaajiyay in laga yaabo in Ruushku ku lug lahaado mudaharaadkii Quraanka lagu gubayay ee todobaadkii hore ka dhacay badhtamaha magaalada Stockholm, isagoo sheegay in Sweden laga hor istaagayo biirista NATO.

Rasmus Paludan oo ah nin u dhaq dhaqaaqa midigta fog, haysta dhalashada Denmark iyo Sweden, ayaa Qur’aanka ku gubay bartamaha magaalada Stockholm, taasoo keentay in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu meesha ka saaro in Sweden ay taageerto ka mid noqoshada NATO.

Waxaa xusid mudan in Turkigu uu ogolaado codsiga Iswiidhan ee ah in ay ku biiraan NATO, iyada oo la tixraacayo in xubinnimada ay ku helaan is-afgarad ay ka heleen dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO.

Haavisto ayaa wareysi uu siiyay YLA TV 1 ku sheegay in Paludan uu xiriir la leeyahay Ruushka la baarayo, xiriiro gaar ahna laga helay si kastaba ha ahaatee, wuu diiday inuu xaqiijiyo ku lug lahaanshaha Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray in dhacdadani ay keenayso su’aasha ah in qolo saddexaad ay doonayso inay rabshado abuurto – tusaale ahaan Ruushka – ama xisbi kale oo ka soo horjeeda ku biirista NATO oo raadinaya daandaansi si taas loo gaaro,” isaga oo raaciyay, “Tani waa mid aan la cafin karin. “

Dowladda Sweden si cad ugama hadlin xiriir kasta oo u Baludan la leeyahay Ruushka, balse Ra’iisul Wasaare Ulf ayaa horay u soo hadal qaaday “xoogaga” doonaya inay dalka ka fogeeyaan isbaheysiga militari ee NATO

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here