Home Wararka Maanta Faransiiska oo xiray sarkaalkii ugu sareeyay militariga sababo la xiriira Sir uu...

Faransiiska oo xiray sarkaalkii ugu sareeyay militariga sababo la xiriira Sir uu u gudbiyay Ruushka.

0
Masuuliyiinta Faransiiska ayaa baaraya sarkaal sare oo militariga ka tirsan oo u gudbiyay sirta “xasaasiga ah” sirdoonka Ruushka. Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayay saldhig NATO ay ku leedahay dalka Talyaaniga.

Wasiirka gaashaandhigga Faransiiska Florence Parly ayaa u sheegtay warbaahinta Faransiiska Axadda maanta in sarkaal sare oo ka tirsan millatariga ay ku socoto baaritaan “ku xadgudub amni oo halis ah”.

“Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in sarkaal sare uu wajahayo dacwad sharciyeed oo ku saabsan jebinta amniga,” Parly ayaa u sheegay idaacada Europe 1.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu saldhig ku lahaa xarun NATO ku leedahay Talyaaniga waxaana la qabtay isagoo fasax ku jooga dalkiisa hooyo ee France. Waxaa la sheegay inuu u gudbiyay sirta “xasaasiga ah” sirdoonka Ruushka.

Parly ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ee Fransiiska ay qaadeen “talaabooyin ilaalin oo lagama maarmaan ah” kadib khalkhal galinta amniga.

Source Poto/AFP

Somaliska Paris

Xigasho/DW

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here