Home Wararka Caalamka Faransiiska oo lagu Dhaawacay Dhowr Qof oo Caruur ku jirto

Faransiiska oo lagu Dhaawacay Dhowr Qof oo Caruur ku jirto

0
Foto: Maya Alleruzzo / AP / NTB

Dhowr qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo wax yar ka hor ka dhacay dalka Faransiiska

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa weerarkan kaga dhawaaqay fagaare ku yaalla magaalada Annecy ee waqooyi bari dalkaasi, una dhow xadka uu la wadaago dalka Switzerland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in ciidamada booliska ay u suuragashay inay si deg deg ah u soo farageliyaan falkaasi, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan ruuxii ka dambeeyay weerarka.

Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya dhacdadan, iyadoo la sheegay in ay ku dhaawacmeen 7 qof (qof weyn iyo lix carruur ah) oo ay ku jiraan laba carruur ah oo dhaawacyo halis ah soo gaareen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here