Home Wararka Caalamka Erdogan oo Su’al ka keenay Caafimaadka Maskaxeed ee Emmanuel Macron ( Khilaaf...

Erdogan oo Su’al ka keenay Caafimaadka Maskaxeed ee Emmanuel Macron ( Khilaaf ka dhex dhashay labada dal )

0
Photo/ AFP

Faransiiska ayaa Sabtidii sheegay inay dib ugu yeerayaan ergaygoodii Turkiga kadib “wax aan la aqbali karin” oo ka soo yeeray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo su’aal ka keenay caafimaadka maskaxeed ee dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.

Faransiiska iyo xulafadiisa Nato waxay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda badda ee bariga Mediterranean, Libya, Syria iyo kan ugu dambeeyay ee sii xumaanaya ee u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan ee ku saabsan Nagorno-Karabakh.

Laakiin Ankara ayaa hada si gaar ah uga careysiisay olole uu u ololeeyay Mr Macron si loo ilaaliyo qiyamka cilmaaniga ah ee Faransiiska ee ka dhanka ah Islaamka xagjirka ah iyo dilkii Macalinka loogu geestay dalka faransiiska kaasi oo ardaydiisa 

“Hadalka Madaxweyne Erdogan waa wax aan la aqbali karin. Xad dhaafka iyo edeb daradu maahan hab. Waxaan ka dalbaneynaa Erdogan in uu badalo wadada siyaasadiisa maxaa yeelay waa mid qatar ku ah dhinac walba, ”sarkaal ka tirsan madaxtooyada Faransiiska ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Tallaabadan oo ahayd mid aan caadi ahayn, ayuu sarkaalku ku sheegay in safiirka Faransiiska ee Turkiga dib loogu yeerayo wadatashi uuna la kulmi doono Mr Macron si ay ugala hadlaan xaaladda

Sarkaalka  oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa sidoo kale sheegay in France ay xustay “in aysan jirin farriimo tacsi iyo taageero” ee ka timid madaxweynaha Turkiga kadib markii madaxa laga jaray macalin Samuel Paty meel u dhow Paris.

Mr Erdogan wuxuu ku dhaleeceeyay Mr Macron siyaasadiisa ku wajahan muslimiinta tirada yar ee Faransiiska, isagoo sheegay inuu u baahan yahay “baaritaan maskaxeed”.

Somaliska Ankara

Turjumay Somaliska.com Qeybta Wararka Caalamka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here