Home News in English Elin Ersson oo Joojisay Musaafurin lagu sameen Lahaa Odey u dhashay Dalka...

Elin Ersson oo Joojisay Musaafurin lagu sameen Lahaa Odey u dhashay Dalka Afganistan..

0

Dhacdo layaab ah ayaa ka dhacay Dalka Sweden Gaar ahaan Caasimada Gotenburg kadib markii gabar u dhalatay Sweden ay hakisay Musaafurin lagu sameen lahaa Aabo waayeel ah oo u dhashay Dalka Afganistan.

Elin oo 21 Sano jir ah isla markana u dhaq dhaqaaqda arimaha Bini.aadaninada ayaa aabahaasi kula kulantay Diyaarada oo ku socotay Dalka Turkiga.

Gabadhaasi oo ardayad ah ayaana qaadatay go.an geesinimo ah iyadoo muuqaal toos ah kasoo gashay Facebookga kaasi oo ku sharaxeysa go.ankeeda iyo waxa ka socda diyaarada oo ah aabaha la musaafurinayo.

Dood dheer ayaa dhexmartay iyada iyo saraakiisha iyo duuliyaha diyaarada halka dadkii diyaarada saarnaa ay qaarkood ku qeelinayeen erayo kala duwan sida in labada qof diyaarada laga dajiyo.

Dood dheer kadib Elin oo ooneysa ayaa ku guuleysatay in 52 sano jirkaasi oo tarxiil ah ay hakad ku sameyso waxaana arinkaasi hadal haya warbaahinta Caalamka kadib markii Muuqaalka lagu baahiyay Baraha Bulshada.

Muuqaalka oo socday 14 Daqiiqo ayaa ku jira erayo ay kaga hadleyso odeygas iyadoo sheegeyso in uu yahay qofka ugu nugul ee la dilo karo hadii dalkiisa lagu celiyo.

Ficilka ay sameesay Elin waxaa taageeray dad badan hase yeeshee waxay kala kulantay dhaleeceen badan oo ku aadan dhanka sharciga Dalka Sweden waxaana u soo jeediyay siyaasiyiin ku jira Barlamaanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here