Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo Qorsheeneysa in Lacagta loo kordhiyo Tuulooyinka Baadiyaha Ah.

Dowlada Sweden oo Qorsheeneysa in Lacagta loo kordhiyo Tuulooyinka Baadiyaha Ah.

0

inkastoo Shaqooyinka iyo dhaqaalaha ugu badan ee Dalka Sweden laga helo Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Sweden hadana Dowlada ayaa qorsheeneysa in tuulooyinka baadiyaha ah in sidaasi oo kale ay heleen cadaalad isla markana loogu deeqo lacag dheeraad ah.

Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa Sheegay in Dowlada Qorsheeneyso sidii lacag dheeraad ah loosiin lahaa dhulka baadiyaha ah si looga dhiso xaga shaqada iyo Caafimaadka.

” Dadka oo dhan waa in ay helaan Caafimaad feecan iyo Amaan buuxa ” ayuu yiri Stefan.

Dad badan ayaa iskaga soo taga Deegaanada baadiyaha ah sababo la xiriira Shaqo la’an taasi ayaana keenta in Deegaanadaasi ay nolosha iyo hormarka dib uga dhacaan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here