Home Wararka Maanta Awood dheeraad ah oo la siiyay Laanta Canshuuraha Sweden ee Skatteverket-ka

Awood dheeraad ah oo la siiyay Laanta Canshuuraha Sweden ee Skatteverket-ka

0

Laga bilaabo koowdii bishii luulyo ee 2019 ayaa wakaaladda canshuuraha Skatteverket awood dheeri ah loo siiyay suurtagalka ah inay ku tallaabsan karto howlo baaris basaasnimo ah, sida uu maanta qoray wargeeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter.

Anette Bergvall, isku duwaha howlaha ka hortagga dembiyada ee wakaaladda canshuuraha Sweden oo arrinkaa ka warrameeysana waxay tiri:

– Waxaa suurtagal naloo siiyay in aannu eegi karno falalka dembiyada ee la xiriira dhaqista lacagaha suuqa madow, iyadoo aanu weliba ku xirnayn falal ka lid ku ah nidaamka canshuuraha, sida ay hadalka u dhigtay Anette mar ay wareeysi siisay Maja Lagercrantz oo ka howlgasha laanta wararka Ekot.

Anette Bergvall ayaa rajeenaysa in wakaaladdu iyada oo kaashaneeysa suurtagalkan isbedelka xeerka lagu sameeyey ay soo saarto in ka badan tirada dadyoowga la tuhunsan yahay si looga hor tago dembiyadu intii aaney dhicin.

– Waxaa kor u kacay isticmaalka dokumentiyada caddeeymaha aan dhabta ahayn si lacag loogu khiyaano, falalkaasina oo marar badan ah albaab laga galo dembiyo kale. Waana mid annaga noo sahleeysa in aannu indhaha ku heyno, sida ay sheegtay Anette Bergvall.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here