Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo kordhisay Waqtiga ilkaha lagu haajinayo

Dowlada Sweden oo kordhisay Waqtiga ilkaha lagu haajinayo

0

Dawladdu Sweden ayaa go’aansatay inay kordhiso muddada magdhawga
ilkaha ee bukaannada aan awoodin inay booqdaan dhakhtar sababo la xiriira cudurka
.Corona. Sida laga soo xigtay TT.

Caadi ahaan, bukaannada leh qarashka daryeelka ilkaha ee aadka u sareeya oo hal sano gudahooda waxay ku heli karaan dhimis qarashka daaweynta iyadoo la raacayo waxa loogu yeero ilaalinta sare (Högkostnadsskyddet).

Qiimaha daaweynta ilkaha ayaa sida caadiga ah lagu xisaabiyaa sanad gudihiis, laakiin tiro bukaanno ah ayaa awoodi waayey inay booqdaan dhakhtarka bilihii ugu dambeeyay Corona, taasoo daaha ka qaaday inay lumin doonaan magdhow haddii ay dhacdo in kabadan hal sano markii la daaweeyay, sidaa darteed dowladda ayaa hadda go’aansatay inay kordhiso muddada.

Go’aankan cusub wuxuu quseeyaa qof walba oo bixiyay qasash qaali ah bishii Abriil 1,
.2020, oo aan soo booqan daryeelka ilkaha muddadii u dhexaysay Abriil 1 ilaa Agoosto 31
Wasiirka arrimaha bulshada Lena Hallingrin ayaa sidaasi ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay iyo in wax laga baddalayo xeerarka Wadarta qarashka ilkaha bukaanka taasi oo  lagu soo daray 12 bilood wada jir markii
.bukaanku gaaro 3,000 oo karoon, waxay xaq u leeyihiin daryeelka ilkaha oo ka raqiis ah.

Foto: Tore Meek / NTB scanpix / TT

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here