Home Wararka Denmark Denmark oo Sharciyo soo rogtay iyo Ganaax lagu muteesanayo hadii aad jabiso

Denmark oo Sharciyo soo rogtay iyo Ganaax lagu muteesanayo hadii aad jabiso

0

Dowlada Denmark oo la tacaaleysa Xaalada Corona ee dib ugu soo laabtay Dalka ayaa shaaca ka qaaday sharci dhigaya Saqda dhexe ee habeenkii dadka raacaya Gadiidka dadweynaha ay xirtaan Marada Afka oo qasab ah sida uu ku waramayo joornaalka dowlada ee Ritzau.

Darawalada Basaska ayaa awood loo siiyay in aysan qaadi karin Qof kasta oo aanan xirneen marada Afka kaasi oo waqtigan raacaya gadiidka dadweynaha hadii aad diido waxaad la kulmi kartaa ciqaab adag.

Caruurta ka yar 12 sano jirada ayuuna sharcigan qabandoonin lakin inta ka weyn ayuu quseeyaa waxana uu go’anka dowlada ku soo aadayaa iyadoo laga cabsi qabo in sharciyo kale oo dheeri ah lagu soo rogo dalka.

Shalay ayay aheyd markii dowlada Norway ay sheegtay in Caasimada Denmark ay ku dartay goobaha ay ka jiraa halista corona.

somaliska Stockkholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here