Dowlada Sweden ayaa maanta soo saartay go’ano cusub ee ku aadan dadka qaatay Talaalka qeybta hore ama labadaba.
Hay’ada Caafimaadka Dadaweynaha oo kaashaneysa Dowlada ayaa shaaca ka qaaday in qof walbo oo qaatay Talaalka uu booqn karo Qoyskiisa ama xitaa uu isku duubi karo caruurta uu dhalay.
Wasiirka arrimaha bulshada, Lena Hallengren oo shir jaraa’id la qabatay qeybta Caafimaadka ayaa intaasi ku dartay in go’anka uu quseeyo qof walbo oo qaatay xitaa hal qeyb oo kamid ah Talaalka.
Goobaha dadka waayeelka ay ku suganyihiin ayaa sidoo kale loo ogolaaday in booqasho loogu tagi karo hadii markaasi la qaatay talaalka.’
ugu danbeyn Dowlada waxay sheegtay in Qofka Talaalka qaatay uu booqan karo wadanka dibadiisa.
Hay’ada Caafimaadka ayaa dhankeeda sheegtay in wali xanuunka uu jiro loona baahanyahay taxatar dheeri ah.