Home Wararka Maanta Haweeney lagu weeraray Xarunta Tareenada ee Linköping oo geeriyootay

Haweeney lagu weeraray Xarunta Tareenada ee Linköping oo geeriyootay

0

Haweeneydii lagu weeraray Xarunta Tareenka Dhexe ee Linköping saaka ayaa dhimatay . Booliska ayaa qabtay nin afartameeyo jir ah oo looga shakisan yahay inuu dilka gaystay. Sida ay tabisay TT.

Booliska ayaa helay  10.53 subaxnimo in haweeney si xoog ah loogu weeraray xarunta tareenka. Waxay tagtay goobta 3 daqiiqo ka hor iyadoo la awooday in la xiro tuhmanaha sidoo kale isla markiiba waxaa la joojiyay taraafikada tareenka waxayna  xireen aag ballaaran oo ku teedsan  xarunta. Sida ay qortay jariidada Aftonbladet.

Haweeneyda ayaa loo qaaday isbitaalka si looga daweeyo dhaawacyada halista ah. Booliska ayaa saacado kadib ku dhawaaqay inay dhimatay.

Booliska ayaa sheegay in haweeneyda dhimatay iyo ninku “horay aysan isku aqoon,” sida lagu sheegay macluumaadka ay heleen.

Booliisku wuxuu ka codsaday cid kasta oo goobjoog u ahayd fal dambiyeedka inay booliska siiyaan macluumaadka.

Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan farsamo oo ku saabsan goobta uu shilka ka dhacay ayna dib u eegis ku sameynayaan muuqaalada CCTV, laakiin ma aysan shaacin sida uu fal dambiyeedku u dhacay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here