Home Wararka Caalamka Dowlada Ruushka oo war kasoo saartay Colaada ka taagan Gobolka Nagorno-Karabakh

Dowlada Ruushka oo war kasoo saartay Colaada ka taagan Gobolka Nagorno-Karabakh

0

Xiisada Gobolka Nagorno-Karabakh ayaa sii socota tan iyo 27-kii Sebtember, iyadoo labada waddan ee Armenia iyo Azerbaijan ay is weydaarsadeen eedeymo ah inay dagaalka hurinayaan.

Falalka milatari ee ka socda gobolka ayaa sii socda, in kasta oo ay beesha caalamku baaqyo isdaba joog ah u dirtay xabad joojinta iyo dib u bilaabista wadahadalada

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa khamiistii ku booriyay dhinacyada isku dhacsan gobolka Nagorno-Karabakh in ay joojiyaan colaada si ay isu weydaarsadaan maxaabiista iyo meydadka dadka la dilay, ayuu yiri Kremlin-ka.

“Kadib wadahadal telefoon oo taxane ah oo aan la yeelanay Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev iyo raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, madaxweynaha Ruushka wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo colaada ka taagan aaga colaada Nagorno-Karabakh sababo bini’aadanimo si la isku weydaarsado maxaabiista iyo meydadka dadka la dilay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa sidoo kale la shaaciyay in Madaxweynaha Ruushka uu ku casuumay labada wasiir Arimaaniyo iyo Azerbaijan in ay yimaadaan magaalada Moscow si ay wadahadalo ula yeeshaan.

“Wasiiradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan iyo Armenia waxaa lagu casuumay magaalada Moscow 9-ka Oktoobar si ay wadatashi uga yeeshaan arrimahan iyada oo la dhexdhexaadinayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliska Stockholm xigasho/spuntiknews

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here