Home Wararka Maanta Dowlada oo war kasoo saartay Fududeynta Xayiraadaha saaran Dalka

Dowlada oo war kasoo saartay Fududeynta Xayiraadaha saaran Dalka

0
Photo: Pontus Lundahl / TT

Ma jiri doono fududeynta xayiraadaha taageerayaasha ee waaxda dhaqanka iyo isboortiga. Farriintaas ayay dowladdu dhiibtay maanta sababtuna waxay tahay, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha bulshada Lena Hallengren, in faafitaanka infekshinka bulshada dhexdeeda uu socdo wali.

– Waqtigan xaadirka ah, Yurub waxay ku jirtaa xaalad uu aad ugu sii faafayo faafitaanka cudurka. Waxaan sidoo kale ku aragnaa Iswiidhan sida faafitaanka cudurka uu u sii xoogeysanayo, marka ma ahan mid la xakameynayo, sidaas darteed qiimeynta Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ayaa ah in aynaan go’aan qaadan hadda, ayay tiri Lena Hallengren (S).

Soo jeedinta la filayay ayaa ahayd in ilaa 500 oo qof ay isugu soo ururi karaan munaasabado kala duwan oo ay ku jiraan shuruudo gaar ah. Tusaale ahaan, keliya taageerayaasha fadhiya oo ugu yaraan hal mitir u dhexeeyaan. Laakiin xaalada hada jirta, dowlada ayaa leh maya isbadalka noocaas ah.

– Waa tilmaan nasiib darro ah in la yiraahdo hadda waan fududeyn karnaa arrintaas. waxaa jirta xaalad khatar ah,  ayuu yiri Johan Carlsson oo qeybta Caafimaadka ka tirsan.

Go’anka Dowlada ayaa ku soo aadayay iyadoo la filayay in Wacanka laga qaado xayiraadaha qaar.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here