Home News in English Dowlada Qatar oo ogolaatay Iibka Qamriga Xiliga Koobka Aduunka

Dowlada Qatar oo ogolaatay Iibka Qamriga Xiliga Koobka Aduunka

0

Qatar ayaa qorsheyneysa inay u ogolaato dadka heysta tigidhada Koobka Adduunka inay iibsadaan biirka khamriga saddex saacadood ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta iyo saacad ka dib ciyaarta kama dambaysta ah, laakiin ma aha inta lagu guda jiro ciyaarta, ilo aqoon u leh qorshooyinka tartanka ayaa u sheegay Reuters.

Warku waxa uu intaa ku daray in Budweiser, oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee Koobka Adduunka, isla markaana leh xuquuq gaar ah oo ay ku iibin karto biirka ay qorsheeneyso arintan.

Koobka Adduunka ee sanadkan ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay dal Islaam ah iyadoo si adag loo xakameynayo cabbitaannada khamriga, taasoo caqabado gaar ah ku ah qabanqaabiyeyaasha.

“Ku dhawaad ​​laba milyan oo qof oo ka kala yimid adduunka oo dhan” ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan koobka adduunka inta u dhaxaysa November 20 ilaa December 18, sida uu sheegay guddoomiyaha xidhiidhka kubbadda cagta ee Switzerland “FIFA”, Gianni Infantino .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here