Home Wararka Maanta Dowlada oo 39 Bilyan ku Caawineysa shirkadaha dhaqaalo xumada soo wajahday

Dowlada oo 39 Bilyan ku Caawineysa shirkadaha dhaqaalo xumada soo wajahday

0

dowlada ayaa maanta shir jaraa’id ku soo bandhigtay lacag gaareysa 39 bilyan oo lagu caawinayo shirkada ka dhisan dalka gaar ahaan kuwa soo wajahan dhaqaalo xumada daran.

ku dhawaad 100 kun oo shirkadood oo ka diiwaan gashin sweden ayaa lagu sheegay warbixinta in ay sharci u leeyihiin caawinta ay dowlada soo bandhigtay maanta.

lacagta dhaqaalaha ee lagu caawinayo shirkada qasaaray ayaa loo eegidoonaa sida shirkada wax looga gatay iyo inta qasaare ee soo wajahday waxana qasaaraha uu u dhaxeeyaa 22.5 ilaa 70% boqolkiiba.

Shirkadaha wajahay qasaaraha ayaa ugu badnaan waxay xaq u helidoonaan 150 kun oo milyan oo magdhow ah taasi oo ka dhigan in shirkado badan ay dib u shaqeeyaan.

Wasiirka maaliyadda Magdalena Andersson (S) ayaa tiri: “Waa taageero wayn, laakiin waxaan kaloo rabaa in aan cadeeyo, inay dhibaatada ka qoto dheer tahay sidii aan filaynay bil ka hor, sidaas awgeed waxaan u aragnay baahida loo qabo tallaabooyin dheeri ah.”

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here