Home Wararka Caalamka Dowlada Italy oo Qaxootiga ugu horeeyay geysay Dalka Albania

Dowlada Italy oo Qaxootiga ugu horeeyay geysay Dalka Albania

0

16 Tahriibayaal ah ayaa gaaray dalka Albania, kuwaasi oo ka yimid dhanka Talyaaniga Sida ay Sheegtay Dowlada Italy oo heshiis dhanka Qaxootiga la gashay Dowlada Albania.

Waa kooxdii ugu horeysay ee muhaajiriin ah oo Albania ay aqbasho, kadib heshiis ay wada gaareen wadamadaasi, taasoo ka dhigan in ilaa 3,000 oo muhaajiriin ah oo ay badda ka soo qaadaan ciidamada ilaalada xeebaha Talyaanigu ay Joogidoonaan Albania.

Muhaajiriinta ayaa markii hore ka yimid Masar iyo Bangaladesh, balse waxa ay si dhow uga soo jeedaan Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga. Hadda waxa la dejin doonaa xarunta soogalootiga halkaas oo codsiyadooda magangelyo looga baaraandegi doono.

Dalal bada oo yurub ayaa bilaabay Sharciyo ay Qaxootiga Dalkooda ku geynayaan Dalal kale waxana Wadamadaasi kamid ah Germany.

Somaliska Roma

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here