– Maraakiibta ganacsiga waxaa saaran waajibaad in ay badbaadiyaan qaxootiga biyha ku dhex badda ku dhaca dabcana waa shaqo aan u qabano si sharaf ku dheehan tahay hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in aan helno goob aan ku dejino oo ah dekada ugu dhow ee halka aan ka soo badbaadino, Pia Berglund oo ah ku xigeynka ururka badmaaxayaasha maraakiibta ganacsiga ee Sweden.
Marinak badda ee u dhaxeeya Gibraltar iyo kanaalka Suweys ayaa ka mid ah marinada badda ee ugu mashquulka badan caalamka ee maraakiibta ganacsiga isticmaasho.
Maraakiibta ganacsiga ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay waxay ka soo badbaadiyeen dad xaalad deg deg ah ku qabsatay badda Midatareeniyanka.
Hasee yesshee toddobaadyadan ugu dambeysay waxaa jirtay arrin dareen abuurtay oo ah in dowlada Talayaaniga u diido dekadaheeda maraakiib kala duwan oo dad ka soo badbaadiyay badda.
Pia Berglund ayaa sheegtay in diidamada Talayaaniga ay u horseedeyso shaqaalaha marakaabibta soo badbaadiya qaxootiga in ay galaan xaalad cakiran oo sii adkeysa xaalada ay shaqaalahasi ku shaqeeyaan oo ah mid horaba halisteed lahayd.
-In dad laga soo biyo ayaa marka horaba ah shaqo adag misana adiga oo saaran dooni dhererkeedu yahay 200 mitir, joogeedanu yahay 15 mitir, waaba xaalad sideeda kale oo sii adag ayay tiri Pia Berglund
Go’aanada adag ee cusub ee Talayaaniga ayaa gadaal ka riixaya Matteo Salvini ,oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada Talayaaniga.
Sida uu qabo sharciga caalamiga, dadka la soo badbaadiyo ayay tahay in la eeyo dekad ammaan ah, waxayna Q.M iyo midowga Yurub labadduba isku raacsan yihiin dekadaha Liibiya aysan ahayn kuwa nabad gelyo u ah dadka tahriibayaasha ee la soo badbaadiyo.