Home Wararka Caalamka Dowlada Germalka oo sheegtay in Qaxootiga Dalka uu hoos u dhacay sagaal...

Dowlada Germalka oo sheegtay in Qaxootiga Dalka uu hoos u dhacay sagaal sano kadib

0

Tirada qaxootiga Germalka ayaa hoos udhacay 60,000 inta udhaxeysa dhamaadka 2019 iyo bilowga sanadka 2020. Dhowr ka mid ah ayaa lagala noqday sharcigooda magangalyada ama uu dhacay, halka kuwa kale laga hor istaagay inay galaan Jarmalka sababo la xiriira xayiraadaha safarka.

Tirada qaxootiga ku nool Jarmalka ayaa hoos u dhacday markii ugu horeysay muddo 9 sano ah sida ay sheegtay wasaarada arimaha gudaha.

Qeybtii ugu horeysay ee 2020, tirada guud ee qaxootiga waxay hoos uga dhacday qiyaastii 1.83 milyan dhamaadkii 2019, ilaa 1.77 milyan oo qof, hoos udhaca kudhowaad 62,000 qof.

Tirooyinkan ayaa soo baxay ka dib baaritaan ay sameysay xisbiga Bidixda ( die Linke ), oo ku saabsan tirada muhaajiriinta leh guryo sugan iyo xaaladooda badbaado.

Sida laga soo xigtay tirakoobyada, waxaa hadda jira ku dhowaad 1.31 milyan oo qaxooti ah oo deggenaansho sugan ku leh Jarmalka – ku dhowaad 50,000 ayaa ka yar lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Somaliska Berlin

Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here