Home Wararka Caalamka Dowlada Denmark oo qabatay 3 Qof oo Basaas u ahaa Sacuudiga

Dowlada Denmark oo qabatay 3 Qof oo Basaas u ahaa Sacuudiga

0

Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa Jimcihii dacwad ku soo oogtay saddex hoggaamiye oo ka tirsan koox gooni-goosad Carab iyo Iran ah oo deggan waddanka Scandinavian-ka, iyagoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Sucuudiga intii u dhaxaysay 2012 iyo 2020, kiis ka tarjumaya qulqulka xiisadda Tehran iyo Riyadh

Saddexda nin oo da’doodu u dhaxayso 40 ilaa 51 jir, oo mid ka mid ahi haysto dhalasho Danish ah, ayaa xubin ka ah “Dhaqdhaqaaqa Halganka Carabta ee Xoraynta Ahwaz” oo Iran u aragto koox argagixiso. Xukunka lagu riday ayaa lagu dhawaaqi doonaa bisha March. Dadka la xukumay ayaa wajahaya xabsi gaaraya ilaa 12 sano.

Ka dib fadhiyo dheer oo maxkamadeed oo albaabadu u xidhnaayeen, maxkamadda Roskilde waxay saddexdan qof ku heshay “in ay ururiyeen macluumaadka shakhsiyaadka iyo ururada Danmark iyo dibadda, iyo sidoo kale arrimaha milatariga Iran, ayna xogtan u gudbiyeen adeegga sirdoonka Sucuudiga.”

Mid ka mid ah qareennada difaacayay, Geert Dern, ayaa ku dooday dooddiisa in dhaqdhaqaaqyada kooxdu ay yihiin ” iska caabin sharci ah oo ka dhan ah nidaamka dulmiga ah.”

Waxaa xusid mudan in Saddexda Eedeysane ee la xukumay la soo qabtay bishii February ee sanadkan 2020-ka, waxaana si gaar ah loo ilaalin jiray Khatarta soo food saartay. Magacyadooda lama shaacin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here