Home News in English Dhalinyaro Somali ah oo kamid Noqotay Dadkii ku dhintay Xadka Giriiga iyo...

Dhalinyaro Somali ah oo kamid Noqotay Dadkii ku dhintay Xadka Giriiga iyo Turkiga

0
Photo/Mudug24

Xadka ay wadaagaan dalalka Turkiga iyo Gariiga waxaa qabow dartiis ugu geeriyooday 19-qof oo tahriibayaal ah, waxaana labada dal midbo midka kale ku eedeeyay masuuliyada dhimashada dadkaasi.

Dadka ku geeriyooday xadka Turkiga iyo Gariiga waxaa kamid noqday labo wiil oo Soomaali ah kuwaa oo baxay dalka Turkiga kuna sii jeeday dalka Gariiga si au uga sii gudbaan wadamada kale ee Yurub.

Labo wiil oo Soomaali ah oo magacyadooda lagu soo gaabiyay Abuubakar iyo Yaxye ayaa kamid noqday dadka ku dhintay qabowga barafka xoogan ee ka da’ay xadka ay wadaagaan Gariiga iyo Turkiga.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dad kale oo Soomaali ah ku jiraan dadka ku dhintay qabowga barafka, waxaana socda baaritaano ay meydadka ku sameenayaan ciidamada booliiska dalka Turkiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here