Home Wararka Caalamka Dowlada Azerbaijan oo toogasho ku soo riday diyaarad Helicopter oo Ruushka leeyahay

Dowlada Azerbaijan oo toogasho ku soo riday diyaarad Helicopter oo Ruushka leeyahay

0

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa shaacisay in militariga Azerbaijan ay soo rideen diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka, halkaas oo ay ku dhinteen labo ka mid ah ciidamadooda, halka mid saddexaadna uu dhaawacay. 

Diyaaradan oo nooceedu yahay Mi-24 oo ah nooca loo yaqaan ‘Mi-24 helicopter’ ayaa waxaa lagu soo riday meel u dhow goobta ay Armenia kasoo qaado duqeymaha gantaalada ee lagu duqeeyo Azerbajain.

sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka Isniintii. Diyaarad helikobtar ah ayaa laga howlgaliyay Xerada Milatariga ee 102-aad ee ku taal Gyumri, Armenia 

Gantaalka lagu dhuftay awgeed, helikobtarka ayaa xakameyn waayey waxayna ku dhacay dhul buuraley ah oo ka tirsan dhulka Armenia, ”ayey tiri Wasaaradda Difaaca,

Suren Sarumyan oo ah wakiilka ciidamada qalabka sida ee Nagorno-Karabakh ayaa u sheegtay Sputnik Armenia in gantaalka laga soo riday gobolka Nakhichivan ee Azerbaijan.

Diyaaradda Helicopter-ka ee Ruushka ayaa la socotay kolonyo gaadiid ah oo ku socday xaruunta militariga Ruushka waxaana lagu soo riday gantaal laga soo riday dhanka Nakhichevan. Ayuu yidhi Sarumyan. 

Vagharshak Harutyunan, oo ah lataliyaha raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa u sheegay RBC in helikabtartu aysan kuso jeedin waddo dagaal wuxuuna ku tilmaamay weerarka “fal gardarro ah oo lagu soo qaaday dhulka Armenia.” 

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan waxay ku deg degtay raaligelinta iyo aqbalida mas’uuliyadda dhacdada. 

“Azerbaijan waxay raali gelin ka siineysaa dhanka Ruushka dhacdadan naxdinta leh, taasoo ah nooca shilka isla markaana aan loola jeedin dhanka Ruushka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan. 

Sida laga soo xigtay Baku helikabtarka ayaa ku duulaysay joog hoose xilli habeen ah agagaarka aag ay ka socdaan dagaallo.

Waddanku wuxuu u tacsiyeeyay qoysaska shaqaalihii dhintay, waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin bixinta magdhawga. 

Dagaalka u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan ayaa socday tan iyo dhamaadkii bishii Sebtember markii ay labada dhinacba isku eedeeyeen inuu isagu weerarka soo qaaday. Toddobaadkii dhammaadkiisii, ciidammada millatariga Azerbaijan waxay caddeeyeen inay dib ula wareegeen magaalada Shusha, oo ka mid ah degmooyinka ugu dambeeyay ee isku xidha caasimadda Nagorno-Karabakh Stepanakert, iyo Armenia. 

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here