Home Wararka Maanta Doorashada Germalka iyo Xisbiga SPD oo guul ka gaaray Doorashada dhacday

Doorashada Germalka iyo Xisbiga SPD oo guul ka gaaray Doorashada dhacday

0
Photo/TT

Doorashada Germalka ayaa ah mid meel wanaagsan mareyso iyadoo Xisbiga qaarkood ay durba ku jiraan qeybta hore sida saadaasha hore ay muujimeysa.

Xisbiga Social democracy SPD ayaa kaalinta hore ee codeynta ku jira halka Christian Democratic CDU uu ku jiro kaalinta labaad ee codadka la dhiibtay.

Hogaamiyaha xisbiga social democracy, Olaf Scholz, ayaa aad ugu farxay doorashada kadib.

Laakiin wali lama hubo inuu noqon doono hogaamiyaha Jarmalka. Si uu hoggaamiye u noqdo, waa in ay caawiyaan dhowr xisbi oo kale. Xisbiga Social democracy kuma filna awooda dalka.

Hadda dhinacyadu way wada hadli doonaan si ay isugu dayaan inay heshiiyaan. Khubaradu waxay aaminsan yihiin inay qaadan karto waqti dheer.

Doorashada ayaa muhiim u ah Yurub oo dhan. Jarmalka waa dalka ugu weyn Midowga Yurub. Madaxda Jarmalka waxay leeyihiin awood weyn.

Angela Merkel ayaa hogaaminaysay Jarmalka muddo 16 sano ah. ayaa hada joojinaysaa. Jarmalka ayaa yeelan doona hoggaamiye cusub. Laakiin ilaa ay dhinacyadu ka heshiiyaan waxay sii ahaan doontaa hoggaamiye.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here