Home Wararka Caalamka Doorashada Faransiiska oo Wareega Labaad loo gudbay, Wararkii ugu danbeeyay

Doorashada Faransiiska oo Wareega Labaad loo gudbay, Wararkii ugu danbeeyay

0

Tiradda dadka codkooda dhiibanaya doorashada ku celiska ah ee Baarlamaanka Faransiiska maanta oo Axad ah ayaa si aad ah kor ugu kacday, xili wareegii 1aad ay todobaadkii hore codod badan ay heleen xisbiga midigta fog ee Rally National (RN).

In kasta oo xisbiga RN la filayo in uu ku guulaysto kuraasta ugu badan ee Golaha Shacbiga, ra’yi ururintii ugu dambaysay ayaa muujisay in laga yaabo in ugu danbeyn ay helaan codod ka hooseeya aqlabiyad buuxda.

Hadii Baarlamaanka uu noqdo mid si weyn u kala qeybsan waxay si weyn hoos ugu dhigi doontaa awooda Madaxweyne Emmanuel Macron, arrintan oo khal khal ku keeni doonta siyaasadda dalkaasi oo ah awooda 2aad ee dhaqaalaha Midowga Yurub.

Madaxweyne Macron ayaa doorashadan ku dhawaaqay kadib guushii xisbiga RN ka gaaray doorashadii Midowga Yurub, isagoo damacsanaa inuu doorashada dadajiyo si aysan u helin aqlabiyada Baarlamaanka, hase yeeshee go’aankan ayaa jab usoo jiiday kadib markii xisbi xaakimka uu galay kaalinta 3aad ee codbixintii wareega kowaad.

Xisbiga RN ayaa kaalinta koowaad galay cododkii wareegii koowaad iyagoo helay  33.21%, halka xisbiga Bidixta ee New Popular Front (NPF) ay heleen 28.14%, xisbiga Macron ayaa helay 21.28%.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here