Home Wararka Maanta Dood ka taagan Timaha Wasiirad ka tirsan Wasiirada Cusub ee Dalka Sweden.

Dood ka taagan Timaha Wasiirad ka tirsan Wasiirada Cusub ee Dalka Sweden.

0

Amanda Lind (MP), oo dhawaan loo magacaabay wasiirka dhaqanka, ciyaaraha iyo dimuqraadiyadda ayaa ka jawaabtay dhaleecayno ku aadan timaheeda oo ah rasto (timo sidii la tidcay).

Amanda Lind oo ka qeyb gashay dood ka baxaysay saaka idaacada P3 ayaa qaab dhaleecayn ah waxa ay dhagaystayaasha laanta P3 wax uga weydiiyeen muuqaalka timaheeda rastada ah.

– Waa dood u baahan in la qabto. Laakiin way ka sii xeeldheer tahay timahayga, ayay tiri Amanda Lind oo iska difaacaysa eedaymaha laga keenay timaheeda rastada ah.

 Mar wax laga weydiiyay qaabka ay iyadu u aragto timaheeda rastada ah maadaama ay tahay wasiirka dhaqanka ayaa waxa ay ku jawaabtay.

-waxaan doortay in aan lahaado timahaan, waana xushmaynayaa xitaa kuwa u maleynaya inay qalad tahay.

sidoo kale Mar wax laga weydiiyay waxa ay u sheegayso dadka aan jeclaysan timaheeda ayaa waxa ay sheegtay in aysan doonayn in ay dib u jaleecdo arimahaasi.

Dhaliilaha ku saaabsan timaha Linda ee rastada ah oo ahaa kuwo dooda P3 dhowr jeer ku soo laalaabtay ayay sheegtay in ay timahaan rastada ah lahayd tan iyo 20-jirkeedii islamarkaana ay doonayso inay saan u sii lahaato timaheeda rastada ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here