Home Wararka Maanta Deegaanka Sala oo laga helay Meydka 3 Ruux oo uu ku jiro...

Deegaanka Sala oo laga helay Meydka 3 Ruux oo uu ku jiro Qofka dilka geestay.

0

Booliiska ayaa 3 ruux oo meyd ah ka helay guri ku yaala deegaanka Sala fiidnimadii Arbacada.

Abaaraa sagaalkii iyo barkii fiidnimo ayay sheegeen booliisku in ay heleen wargelin ku aadan in ay jirto dhacdo halis ah iyadoo durbadiiba ay gaaren gurigaa oo ay ka heleen 3-da ruux ee meydka ah.

Booliiska ayaa sheegay in aanay jirin ruux ay dilkaan u baadi goobayaan islamarkaana ruuxii dilka geystay uu ku jiro 3daan qof ee meydka ah.

Robert Wallén, oo ah taliyaha Booliiska ee gobolka Västmanland, oo la hadlay laanta idaacadda ee P4 Västmanland ayaa sheegay in baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ruuxa dilka geystay uu ka mid yahay kuwa dhintay islamarkaana aaney jirin ruux ay u baadi goobayaan dhacdadaan.

Booliiska ayaa tan iyo xalay goobta ku sugnaa iyagoo baaritaano dheeraad ah ka waday halkaasi waxaana la filayaa in warbixino dheeraad ah oo falkaan ku aadan ay so saaraan gelinka dambe ee maanta.

Somaliska Stockholm

Xigasho/ radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here