Home Wararka Caalamka Digniin laga soo saaray Qeybo kamid ah Dalka Sweden oo baraf ka...

Digniin laga soo saaray Qeybo kamid ah Dalka Sweden oo baraf ka da’ay

0
Foto Fredrik Sandberg / TT

Digniin Cusub ayaa laga soo saaray Qeybo kamid ah Dalka Sweden oo baraf xoogan uu ka da’ayo.

Hay’ada Cimilada u qaabilsan Sweden ee marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SMHI ayaa Shaacisay in Heer kulka uu gaaray Ebar isla markana la filayo in Baraf dheeri ah uu ka da’o Gobalada Dalka.

Meelaha sida aadka loo xusay waxaa kamdi ah Gobolada Koonfurta Dalka Sweden oo durba laga dareemayo Qabowga ugu darnaa.

Hay’ada ayaa sidoo kale ka digtay in Qabowga uu keeni karo Halkeenta ama Silbashada wadooyinka oo shilal badan ay ka dhashaan.

Xiliga Qaboobaha Qeybo kamid ah Dalalka yurub waxaa ku dhufta Baraf xoogan oo sababa Shilal kala duwan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here