Home News in English Digniin Fariimo Boostada ka timid oo Been Abuur ah oo Dad Badan...

Digniin Fariimo Boostada ka timid oo Been Abuur ah oo Dad Badan lagu Qayaameeyay

0

Maalmihii u danbeeyay waxaa jiray Fariimo kuugu soo dhacaya Taleefankaaga taasi oo lagugu sheegayo inay timid Boostadaadi isla markana aad soo qaadan karto.

Fariinta ayaa waxaa dhinac socda qeyb aad fureyso lagaga codsanayo in aad bixiso qidmad lacag ah si boostada laguugu ogolaado.

Booliska Dalka Sweden ayaa digniin kasoo saaray Fariimaha oo ah kuwa been abuur ah iyadoo marka aad furto qeybta lagaa codsaday ay dhici karto in lagaa xado macluumaadka taleefankaaga sida Baaswerada.

Shirkada Postnord ayaa kamid ah magacyada la isticmaalay oo dadka loo diray si ay alaabtooda u soo qaataan shirkada ayaana dadka uga digtay fariimaha been abuurka ah.

ugu Danbeyn Dadka ayaa looga digay inaysan Furin Fariimaha iyo numberada aanan la aqoonin iyagoo si feecan iskaga hubinaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here