Home Wararka Caalamka Dhulgariir ka dhacay Dalka Turkiga gaar ahaan Gobolka Izmir

Dhulgariir ka dhacay Dalka Turkiga gaar ahaan Gobolka Izmir

0
Photo Reuters

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.6 ayaa ku dhuftay xeebta degmada Seferihisar ee ku taal galbeedka gobolka Izmir jimcihii sida laga soo xigtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka (AFAD). Dhul gariirku wuxuu ka dhacay Badda Aegean laakiin waxaa laga dareemay guud ahaan magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga iyo illaa Istanbul oo woqooyiga ku taal.

AFAD waxay shaacisay in 12 qof ku dhinteen in kabadan 400 oo kalena ku dhaawacmen. Shaqaalaha ayaa ka shaqeynayay sidii ay uga badbaadin lahaayeen dadka ka badbaaday burburka 12 dhisme.

Gudoomiyaha Izmir Yavuz Selim Köşger ayaa saxaafada u sheegay in afar dhisme ay gebi ahaanba ku burbureen dhulgariirka, 70 kalena laga soo badbaadiyay burburka.

 

Professor Haluk Özener, oo ah madaxa machadka cilmi baarista dhul gariirka ee Boğaziçi University Kandilli Observatory Earthquake Institute, ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul jimcihii in ay jiraan 19 dhulgariir oo u dhexeeya baaxada 3.3 iyo 4.8 tan iyo dhulgariirkii, kaas oo socday in ka badan 15 ilbiriqsi. Wuxuu kaloo sheegay in khad cilladaysan oo dhererkeedu yahay 30 illaa 40-kiiloomitir uu qarxay inta uu gariirku socday.

Wax yar ka dib dhulgariirkii, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan wuxuu sheegay in dhammaan machadyada dowladda la abaabulay si ay u caawiyaan magaalada.

“Waxaan la garab taaganahay dhamaan muwaadiniinteena uu saameeyay dhulgariirku wax walba oo macquul ah. Dhamaan machadyadeena iyo wasiiradeenaba waa la howlgaliyay, ”ayuu yiri.

Muuqaalada telefishanka iyo muuqaalada ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinayay dadka oo fagaya burburka dhismooyinka qaar ee dumay si ay u gaaraan dadka ku hoos jira burburka.

Dadka ku nool Izmir iyo gobolada deriska la ah waxay hay’ada AFAD uga digtay inay ka fogaadaan guryahooda hadii ay jiraan wax u muuqda burburka dhismayaasha ah.

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here