Home Wararka Caalamka Canada oo soo bandhigtay sida ay u soo qaadeyso 1.2 Milyan oo...

Canada oo soo bandhigtay sida ay u soo qaadeyso 1.2 Milyan oo Qaxooti ah Sadex sano gudahood

0

Wasiirka arimaha soo galootiga ee dowlada federalka ayaa sheegay in Canada ay qorsheyneyso keenista in ka badan 1.2 milyan oo muhaajiriin ah saddexda sano ee soo socota, sida uu sheegay wasiirka socdaalka ee dowlada federalka. .

Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino oo wariyaasha kula hadlayey magaalada Ottawa ayaa sheegay in dowlada federaalka ay hiigsaneyso aqbalida 401,000 sanadka 2021, 411,000 kale 2022 kadibna 421,000 sanadka 2023.

Kanada waxay u baahan tahay shaqaale dheeri ah, ayuu yidhi, “soogalootiguna waa jidka lagu tago”.

hadafkeena dowladeena ee ah in dhaqaalaha lagu hormariyo dhanka socdaalka wuxuu ahaa mid hami leh. Hadda waa wax muhiim ah, ayuu yidhi Mendicino.

Robert Falconer, oo ah cilmi-baare arrimaha qaxootiga iyo socdaalka ee Jaamacadda Calgary School of Public Policy, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Jimcihii in haddii ay dowladdu gaarto himilooyinkeeda, saddexda sano ee soo socota ay noqon doonaan “sannadihii ugu sarreeyay ee la diiwaan geliyo illaa 1911”.

Waddanku wuxuu xiray xuduudihiisa inta badan soogalootiga bishii Maarso sababo la xiriira COVID-19. Ilaa Ogosto, waxay dejisay 128,425 cusub, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay – in ka yar kala bar 341,000-qof oo ay bartilmaameedsatay sannadka 2020.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here