Dhul gariir ayaa laga dareemay Degmada Gävle habeenkii xalay sida ay sheegeen dadka Deegaanka oo dareemay dhul gariiskaasi oo dhacay abaaro 22:22 ee xalay.
Dadka Deegaanka ku nool ayaa warbaahinta u sheegay in dhul gariirka uu ahaa mid la dareemi karo waxana dhaq dhaqaaqay guryaha iyo sidoo kale alaabta dhex taalay guriga.
Björn Lund oo ka tirsan jaamacada Upsala univesity ayaa sheegtay in aan la ogaan karin cabirka dhul gariirkaasi oo dhacay xalay 22:22 xiliga sweden.
Qofna kuma dhaawacmin Dhul gariirka ka dhacay Magaalada Gävle kaasi oo dhacay isla goobtii uu sanadkii hore ka dhacay.
Somaliska Stockholm
Xigasho/Aftonpladet
Wararka kale ee Maanta
AD