Home Wararka Maanta Dhul-gariir ka dhacay Dalka Norway oo lagu la’yahay ku dhawaad 21 Qof

Dhul-gariir ka dhacay Dalka Norway oo lagu la’yahay ku dhawaad 21 Qof

0
Foto: Jil Yngland / NTB

Dhul-gariir ayaa ka dhacay Dalka Norway gaar ahaan Degmada Gjerdrum halkaasi oo da badan laga soo daad-gureeyay halka wali la’layahay tiro kale oo dad ah.

Sida laga soo xigtay bilayska, ugu yaraan 14 guri ayaa ku yaal aagga ay dhibaatada ay ka dhacday ayaa burburay, dhulgariiska oo dhererkiisu yahay 700 mitir, ballaciisuna yahay 10-20 mitir.

Booliisku waxay u maleynayaan inay jiri karaan dad halkaas wali ku go’doonsan, laakiin shaqaalaha gurmadku waxay hawada ka gaari karaan oo keliya aagga dhibka uu ka dhacay iyadoo qaab dhul ah aan loo gali-karin.

Dhowr qof ayaa diyaarad helikobtar ah lagu soo qaaday, laakiin 21 qof ayaan wali la helin meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Sidaa darteed, shaqadu waxay ka sii socotaa goobaha ay dhibaatada ka socdaan.

Raisal wasaaraha Norway ayaa ka hadashey dhibaatada ka dhacday Degmadaasi iyadoo ku baaqday in gurmad loo fidiyo dadka dhibaatada ay soo gaartay.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here