Home Wararka Maanta Dhimashada Dadka u dhintay Corona ee Sweden oo mareysa 401 Qof

Dhimashada Dadka u dhintay Corona ee Sweden oo mareysa 401 Qof

0

Hay’ada Caafimaadka Daweynaha sweden ayaa goor dhow soo saartay Tirada iyo Halka uu marayo Xanuunka Caronavirus ee guud ahaan Dalka.

Tirada dhimashada Xanuunka ayaa maanta lagu sheegay in uu gaaray 401 Qof halka Dadka uu ku dhacay xanuunka ay sii marayaan 6830 Qof.

Marka laga soo tago faafitaanka Xanuunka ee wadanka hadana waxaa ai caadi ah u furan guud ahaan wadanka gaar ahaan goobaha leeskugu yimaado sida Dukaamada, Maqaayada iyo goobaha kale ee Bulshada kuwaasi oo go’an laga soo saarin.

Ilaa hada Xanuunka badankiisa waxaa u dhintay Dadka ka weyn 60 sano jirka kuwaasi oo aan heysan Difaaca jirka oo dhameestiran ama qaba Xanuuno u gaar ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here