Home Wararka Caalamka Dhaawaca Luqmaan Ahmed oo Ey ku Weeraray Götenborg oo Wali lala Tacaalayo

Dhaawaca Luqmaan Ahmed oo Ey ku Weeraray Götenborg oo Wali lala Tacaalayo

0
Foto: Social Media

Luqmaan Ahmed oo 10 Sano jir ah ayaa Todobaadkii hore Waxa uu Weerar kala kulay Ey xili uu la socday Waalidkiisa Hooyadii iyo Walaalkiis, 10 Sano jirkaan oo xiligaasi kasoo laabtay Hoyga Ayeydiisa ayaa Weerarkan culus kala kulmay Ey-ga oo ahaa mid furan.

Dhaawaca Luqmaan ayaa la dhigay Isbitaalka Drottning Silvias barn- och ungdomssjukhus halkaasi oo lagu dabiiyo dhaawac culus oo kasoo gaaray gacanta iyadoo qeybo kamid ah lafihiisa ay jajabeen.

Eyga Weerarka u geestay Luqmaan ayaa dhoor jeer oo hore waxa uu weerar u geestay dad kala duwan inkastoo aan culees laga soo qaadin.

Luqmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay sida uu u dhacay Weerarka halka Aabihiis Ahmed uu sheegay inuu aad ugu xunyahay dhibaatada ku dhacday wiilkiisa isla markana ay ka gudbinayaan dacwad milkiilaha isla lahaa eyga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here