Home Wararka Denmark Denmark oo soo saartay Sharci dhigaya in Jasiirad la geeyo Qaxootiga Diidmada...

Denmark oo soo saartay Sharci dhigaya in Jasiirad la geeyo Qaxootiga Diidmada heesta.

0

Dowlada Denmark ayaa soo saartay arin lala wada yaabay taas oo ah in qaxootiga haysta diidmada sharciga Denmark iyo dadka danbiyada gala ay geynayso jaziirad lagu magacaabo Lindholm.

Jaziiradan ayaa waxay hada Tahay meel lagu baro xayawaanada qaba cuduro kala duwan, qaxootigan sharciga haysan  iyo dadka danbiyada galay ayaa jaziiradan la gaynayaa sanadka 2021.

Xisbiga Danske Parti ee dalka Denmark ayaa yiri AJAANIBTA DIIDMADA HAYSTA IYO KUWA DEMBIGA GALAY BOOS KUMA LAHAN DALKA ILAA INTA KA CELINAYNO WAXAN U RARAYNAA AMA DAJINAYNAA JASIIRADDA LINDHOLM EE STEGE BAY, HALKAAS OO AY KU KHASBANAANAYAAN INAY JOOGAAN. BOOLIS AYAANA AFAR IYO LABATANKA SAAC WAARDIYEYN DOONA.

Sidoo kale xisbiga SV ee dalka Norway oo ka hadlay arintan ayaa ku tilmaamay talaabadan mid sharciga ka baxsan aana bili aadinimo ahayn. Dhanka kale FRP oo ka hadashay aayaa sheegay inay ayagu soo dhaweynayaan talaabadan ayna ahayd in marhore la sameeyo.

XIGASHO DAGBLADET

Somaliska copenhagen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here