Home Wararka Maanta Annie Lööf iyo Stefan Löfven oo maanta ka hadlaya dhismaha dowlada cusub.

Annie Lööf iyo Stefan Löfven oo maanta ka hadlaya dhismaha dowlada cusub.

0

Todobaadkii hore,hogaamiyaha Xisbiga Annie Lööf ayaa sheegtay in laga yaabo in ay u codeeyaan haa , Stefan Löfven sidii ra’iisul wasaare ku noqon lahaa.

Stefan Löfven iyo xisbigiisa Socialdemokraterna waa inay beddelaan siyaasadahooda. Annie Lööf waxay rabtaa waxyaabo badan. Tusaale ahaan, cashuurta in hoose loo dhigo sida shaqooyinka iyo shirkadaha.

Hadda waxay la kulmi doonaan oo ay hadli doonaan. Xisbiga Miljöpartiet och Liberalerna kuwaasi oo kulanka qeyb ka noqonaya.

– Dhamaan dhinacyadu waa inay bixiyaan oo qaataan. Qofna ma heli doono wax kasta oo ay rabaan, ayuu yidhi Stefan Löfven.

Maalinta Jimcaha iyo Isniinta , ayuu Afayeenka Barlamaanka rabaa in uu ogaado sida uu u socdo wadahadalka u dhexeeya labada dhinac. Isniinta waxaan ogaan karnaa haddii Barlamaanka u codeeyn doono Stefan Löfven sidii ra’iisul wasaare ku noqon lahaa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here