Home News in English Denmark oo sheegtay Waqtiga ay Bilaabeyso Musaafurinta Dadka Magangalyodoonka ee Dalkeeda ku...

Denmark oo sheegtay Waqtiga ay Bilaabeyso Musaafurinta Dadka Magangalyodoonka ee Dalkeeda ku sugan

0

Dadka magangalyo doonka ah ee Denmark waxaa laga yaabaa in dhawaan la bilaabo in loo diro Rwanda, halkaas oo labada dal ay maanta ku kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga dhinaca magangalyada.

Wasiiro ka socda Denmark ayaa jimcaha maanta booqanaya Rwanda si ay ugala hadlaan qorshaha lagu qaabilo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan dalkooda.

Dukumeenti ay si wadajir ah u wada qaateen labada dal ayaa lagu xaqiijiyay in ay doonayaan in ay iska kaashadaan sidii dadka magangalyo doonka ah looga wareejin lahaa Denmark loona wareejin lahaa Rwanda, sida ay sheegtay wakaalada wararka Denmark.

Dokumentigan waxa saxeexay wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka Kari Beck (Xisbiga Socialist) iyo wasiirka horumarinta Fleming Mortensen.

Labada dal ayaa ka wada hadlay iskaashiga u dhaxeeya si wax looga bedelo qaabka loo qaabilo dadka magangalyo doonka ah. Waa hab-dhaqan uu xisbiga Sooshal dimuqraadiga Danmark ku talinayey dhowr sano. Dukumeentiga cusub ayaa sheegaya in laga shaqeyn doono sidii loo hubin lahaa in magangalyo-doonka ay awood u yeeshaan inay degaan Rwanda.

Amnesty International ayaa dhaleecaysay tillaabada, iyadoo sheegtay inay ka dhigan tahay “dib u-dhac cusub oo ay Danmark ku samaysay waddada ay kaga tagayso mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta magan-gelyo-doonka.”

Britain waxa ay sidoo kale la leedahay qorshe la mid ah Rwanda. Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa joojisay diyaarad sidday dad magangalyo doon ah oo halkaas ka soo qaaday bishii June ee la soo dhaafay.

Danmark ayaa lagu eedeeyay in ay jabisay xeerka Dublin, kaas oo qeexaya sida loo maareeyo nidaamka magangalyada, haddii ay ku socoto qorshaheeda.

Xisbiyada taageera dowladda ayaa dhaliilaya qorshaha lagu masaafurinayo dadka magangalyo doonka ah, halka xisbiyada mucaaradka ay ku tilmaameen booqashada Rwanda mid “dacaayad doorasho”.

Xisbiga talada haya ee Sooshal dimuqraadiga Danmark ayaa dejiyay qorshe uu ku samaynayo xarun lagu qaabilo qaxootiga, taasoo qayb ka ah ololaha doorashada 2019.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here