Home News in English Degaanshaha Rasmiga ee Sweden ayaad heli kartaa Adigoo Shaqo joogta ah heysan

Degaanshaha Rasmiga ee Sweden ayaad heli kartaa Adigoo Shaqo joogta ah heysan

0

sanadkaan markii Saddexaad ayuu ka dhacayaa dadka ku nool dalka sweden ee heesta sharciga kumeel gaarka ee Saddexda sano.

Hadii qofka uu helo Sharciga ama loo kordhiyo markii Saddexaad isagoo heysan shaqo joogta ah waxay ka dhigantahay inuu helo sharci ku meel gaar ah oo Saddex sano ah.

dad badan ayaa xooga saara inay helaan shaqo joogta ah si ay sharciga rasmiga uga helaan Sweden kaasi oo ah Shan sano.

Hadaba waxaa jirta in aad heli karto sharciga degaanshaha rasmiga adigoon heysan shaqo joogta ah.

Tusaale ahaan Waxaa ku heli kartaa in aad heysato Heshiis Shaqo oo labo sano ah oo u dhiganta 24 bilood.

Marka aad Heshiiska warqadan ku xareyso Codsiga sharciga waxa aad heli karta Degaansho rasmiga sida ay sheegtay laanta socdaalka ee Migrationsverket-ka

Dadka badankooda ayaa sanad kadib waxay buuxinayaan dhalashada Dalka Sweden oo lagu qaato 8 sano hadii wali aad heysato sharciga ku meel gaarka ah waa mid ku adag qofka uu xareesto dhalashada dalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here