Home Wararka Caalamka Dagaalkii u dhexeeyey Armenia iyo Azerbaijan oo dib uga bilowday gobolka lagu...

Dagaalkii u dhexeeyey Armenia iyo Azerbaijan oo dib uga bilowday gobolka lagu muransan yahay

0

Dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Armenia iyo Azerbaijani ee ku saabsan dhulka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh ayaa dib u billowday subaxnimadii Isniinta ee maanta, iyadoo labada dhinacba midba midka kale ku eedeeyay inuu soo qaaday weerarro.

Saraakiisha militariga Armenia ayaa Isniintii ka warbixiyay gantaalo lagu garaacay Stepanakert, caasimada Nagorno-Karabakh. Gobolku wuxuu kuyaalaa Azerbaijan laakiin waxaa gacanta ku hayey xoogaga qowmiyadaha Armenia oo ay taageerayaan Armenia tan iyo dhamaadkii dagaalkii gooni u goosadka ee 1994.

Dagaallada waa kuwa aad u xoogan waxaa sii socda duqeynta” aagga uu iskahorimaadku ka socdo, afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Shushan Stepanian ayaa sidaasi ku qortay Facebook.

Wasaaradda Difaaca Azerbaijan, ayaa dhankeeda, ku eedeysay ciidamada Armenia inay duqeeyeen magaalooyinka Tartar, Barda iyo Beylagan. Ganja, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Azerbaijan ee ka baxsan aagga colaadda, ayay saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas wuxuu Axaddii cambaareeyay warbixinnada “madaafiic aan loo meel-dayin iyo weerarro kale oo sharci-darro ah oo la sheegay in loo adeegsaday hubka qarxa magaalooyinka,  iyo meelaha kale ee dadku ku badan yihiin.

Somaliska Ankara

Turjumay somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here